Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah haweenka jubaland oo lagu qabtay magaalada Kismaayo ayaa waxaa looga hadlay xaqiijinta qoondadda haweenka iyagoona ka codsaday madaxda dowlad goboleedyada odayasha dhaqanka iyo siyasiinta in la ilaaliyo qodadda haweenka ee 30%
Shirka ayaa waxaa goob joog ahaa Gudomiyaha haweenka ee gobolka jubada hoose faadumo aadan katela iyo Gudomiyaha haweenka degmada kismaayo Fadumo maxamed Cabdi, gudomiye ku xigenka haweenka degmada kismaayo Ruqiiyo maxamed Axmed iyo xubin kamid ah gudiga xaqiijinta qoondada haweenka heer fadaral Suhuur Yuusuf iyo ururka haweenka Jubbaland.
Ugu horeyn waxaa warbahinta la hadashay Zuhuur Yuusuf baynax xubin ka tirsan gudiga xaqiijinta qoondada haweenka.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Faadumo Mahamed Abdi Gudomiyaha haweenka degmada kismaayo iyo Gudomiyaha haweenka gobolka jubadda hoose faadumo Aadan katela, waxayna madaxda kala duwan ee dalka ka codsadeen in la ilaaliyo qoonadda haweenka.