Madaxweynaha Jubaland oo dhul ku wareejiyay hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Somalia

556

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmed Mazamed Islaam ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayey Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdulqaadir Cilmi Cali iyo xubno kale oo ka tirsan Hay’adda.

Masuuliyiinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo shaqooyin kale duwan ka haya deegaannada Jubbaland ayaa waxa uu Madaxweynuhu kala hadlay dardargalinta howlaha xafiiska iyo sidii loo fududayn lahaa adeegyada bulshada ee ay Hay’addu ka hayso deegaannada Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyey dhul uu ugu tala galay in laga dhiso xarun weyn oo ay Hay’addu ugu shaqayn doonto bulshada Jubbaland.