Madaxwene ku xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka jubbaland oo Booqaday xarun ay ku sugan yihiin ciidankii ka qeeb qaatay sugida Amniga doorashooyinkii ka dhacay kismaayo

1196

Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubblaand Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa kulan dhiira galin ah u qabtay Ciidankankii u xilsaanaa illaalinta ammaanka doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Taliyaha Ciidanka gobalka Jubbada Hoose Sarreere Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) iyo Saraakiil kale.

Mas`uuliyiinta oo Ciidanka la hadlay ayaa ku amaanay dedaalkii iyo dulqaadkii ay muujiyeen muddadii dhowrka bilood ahayd ee ay doorashadu ka socotay magaalada Kismaayo, taasi oo ay sheegeen in ay ku mutaysteen abaal marino iyo dallacsiin Ciidan.

S/G Yuusuf Xuseen Cusmaan (Dhuumaal) oo hadal kooban goobta ka jeediyey ayaa ciidanka ku amaanay doorkii dhanka amaanka ee ay ka qaateen doorashadii ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxwayne ku-xeenka laabaad ee Jubbaland Cabdqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in ciidankan lagu abaal marin doono shahaado sharaf iyo dalacsiin isla markaana dib loogu celin doono goobihii ay ka tirsanaayeen