Dowladda Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

799

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamuud Cabdi Xasan Beekoos ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Axmed Nasser Mohammed Al-sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga qotadadheer ee ka dhexeeya labada Dowladood ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kuwait, kaas oo taabanaya dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wasiir Maxamuud ayaa la wadaagay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antay in ay ku garab istaagto dowladda aan saaxiibbada nahay ee Kuwait gudashada waajibaadka hoggaamineed ee Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhinacyada kale ee iskaashiga wadar geesoodka ah.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Dalka Kuwait uga qayb galaya Shirka Wadatashiga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta