Barnaamijka Nabadda iyo Dhalinyarada: Isboortiga iyo Doorka uu ka qaato Nabadda iyo isdhexgalka buslhada

1391

Barnaamijka nabadda iyo dhalinyarada ayaa todobaadkan looga hadlay mowduuc ku saabsan Door caynkee ah ayay kubadda cagtu ka qaadan karta nabadda iyo is-dhexgalka dhalinyarada, barnaamijka waxaa marti ku ahaa madaxa garsoorka Jubbaland Maxamed C/laahi SLA

Maxamed C/laahi oo barnaamijka ka qeybgalayay ayaa sheegay in isboortigu yahay lafdhabarta isku xirka bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kaalin weyn uu Isboortigu ka qaato nabadda, iskuna keeno bulsho kala duwan oo qaarkood kubadda dheesha, kuwo taageera iyo qaar kale oo maalgeliya.

Waxa uu sheegay in isboortigu meesha ka saaro colaadda, isagoo tusaale usoo qaatay in in laba degmo oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir oo kala xirnaa xilli ay laba kooxood wada dheelayeen lagu guuleystay in la qaado isbaarooyin kala xanibayay bulshada labadaasi degmo.

Mar la weeydiiyay garoomada kubadda cagta ee soo badanaya kaalinta ay ka qaadan karto nabadda iyo is-dhexgalka bulshada, ayuu sheegay in garoomadan casriga ah ee laga hirgeliyay magaaloyinka waaweyn ee dalka ay horseedeen in dhalinyaradu ka mashquulaan waxyaabo badan oo naftooda dhibaato ku ah, isagoo sheegay in Isboortigu uu bulshada waaleeyo, dadka isla dheelayana ay murugta iyo farxaddaba isla qeeybsadaan, ayadoo aan qabiil iyo wax  kale la isku jeclaanayn.

“Meelaha dowladaha ka jiraan, maamul goboleedyada qaasatan ma fiiriyaan isboortiga, siyaasado kale iyo barnaamijyo kale ayay ka hadlaan, isboortiska waa lambar 1, xagga amniga, ninka tuutaha wata ee isgoyska taagan qaarkood waxaa laga yaabaa in ay yihiin ciyaartooy kubadda dheeela,” isagoo intaa raaciyay in meesha keliya ee si wanaagsan la isugu baran karo in ay yihiin garoomada ciyaaraha.

Wuxuu intaa ku daray “Waxaan hubaa haddii isboortiga dhaqaale loo sameeyo, waxaan hubaa in waxyaalo badan oo ay dhalinyaradu ku jiraan qaasatay in ay kasoo laaban lahaayeen, haddii qof walba oo sameyn lahaa barnaamij uu dhaqaale ka helo iyo koox uu ka tirsanyahay, waxyaalaha dhibaatada ku ah in ay ciyaaraha socon waayaan waxaa qeyb ka ah dhaqaale la’aan oo hadda garoonka ciyaaro kama socdaan oo xiriirka kubadda cagta waxba uma hayo.”

Xuseen Sayid Mahad oo ah dhageyste ku sugnaa xaafadda Farjanno ee Kismaayo ayaa yiri; “Kubadda cagta isdhexgalka iyo nabadda wax weyn ayay ka qaadan artaa, marka dhalinyarada kuwa jooga kismaayo, DHoobleey iyo kuwa Bu’aale joogo, isdhexgalka bulshada iyo nabadda waxy ka qeyb qaadan kartaa, waxaa loo baahanyahay in mar walba tartan loo qabto.”

AZaam oo ku sugan xaafadda Calanleey oo ka qeyb-qaatay Barnaamijka ayaa yiri;” Horta isboortigu waa muhiimadda 1-aad ee dhalinyarada, dhalinyaradana waxyaalo badan ayuu ka baajinayaa sida in ay tahriibaan ama in ay ururro argagixiso raacaan isboortiga Soomaaliyeed hadda kabashoo kusoo jiraan, sidaan wada ognahay, Jubbaland-na isboortiga waxa uu ka yahay Soomaaliya meelaha ugu caansan ee Isboorti lagu garanayo, Isboortiga xeebahaa lagu dheelaa, hadda Salaxyo ayaa la helay, waxaan dowladda ugu baaqayaa in ay ciyaarihii bilaabaan,”

Barnaamijka ayaa guud ahaan dhageystayaashii ka qeyb-qaatay waxa ay ka hadlayeen muhiimadda uu isboortigu u leeyahay nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayagoo dowladda Soomaaliya, dowald goboleedyada, ganacsatada iyo xiriirrada kubadda cagta ku booriyay inay xoojiyaan Isboortiga dalka.

Hoos ka dhageeyso Barnaamijka;