Xafiiska Xeer ilaaliyaha Jubbaland oo war ka soo saaray in aan qofna la soo xidhi Karin ilaa loo soo jaro warqad maxkamadeed

1159

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan Siciid ayaa maanta kullan looga hadlayay sare u qaadida hawlaha shaqo ee garsoorka la qaatay xubno isugu jiray kaaliyaal, xoghayaal iyo garsoorayaal ka socda maxkamada darajada koowaad ee degmada kismaayo.

Kullanka ayaa si gaar ah waxaa diirada lagu saaray, oo dhinacyada ay isla qaateen in dadka eedeysanayaasha ah ee booliska ay gacanta ku soo dhigaan in aan la xiri Karin, iyadoo aysan booliska haysan warqada ka socota dhanka maxkamada taasi oo dhinacyada kullanka ay isla meel dhigeen.

Qodobada kale ee ay isla qaateen waxaa qayb ka ahaa in iyadoo xeer ilaalinta aysan ogayn inaan xabsiga laga sii deyn Karin qof eedeysane ah sidda uu sharaxayo xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan Siciid oo kullanka kadib warbaahinta la hadlay.

Ugu dambayntii kullankaan ayaa la isla qaatay in uu noqdo mid billo ah, iyadoo laga qayb galinayo saraakiisha booliska jubbaland ee maamula saldhigyada xaafadaha kismaayo.