Farmaajo oo taliye Odawaa amray inuu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidamada Badda

1022

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage amray in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in xal ka qaadista Taliyaha ciidamada Badda ay muhiim u tahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

(AMAR SHAQO KA JOOJIN TALIYAHA CIIDANKA BADDA SOOMAALIYEED S/GUUTTO CABDIXAMIID MAXAMED DIRIR)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya faray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage in uu shaqada ka joojiyo Taliyaha Ciidanka Badda Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, si waafaqsan anshaxa iyo xeerka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay tallaabadani u leedahay dhammeystirka Gal-baaritaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aaddan tuhunka ku takrifal dhul dan guud ah oo ay leeyihiin Ciidanku.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Ciidamada Qalabka Sida in ay si waafaqsan sharciga iyo Xeerarka Ciidannimo ugu fara-adeygaan dhulka Danta Guud ee Ciidanka iyo Hantida ay wakiilka uga yihiin Shacabka Soomaaliyeed, taas oo aas-aas u ah howl gudashadooda.