Wafuud ka socota IGAD oo manta timid Muqdisho

916

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaaray wafdi culus oo ka socda Urur Goboleedka IGAD, kaas oo uu horkacayo xoghayaha fulinta ee ururka, Dr Workna Gebeho.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, waxaana kadib loo galbiyey madaxtooyada.

Sidoo kale xubnaha ka socda IGAD ayaa kulan hordhac ah la qaatay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane xamuud Cabdi Xasan Bekos, waxaynka wada-hadleen xaaladda dalka.

Workna Gebeho iyo wafdigiisa oo sii joogaya Muqdisho ayaa lagu wadaa inay kulamo la yeeshaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Waxa ay sidoo kale is arki doonaan xubnaha wakiilada beesha caalamka ee fadhigooda uu yahay magaalada Muqdisho, si ay ula yeeshaan wada-hadallo ku aadan arrimaha taagan.

Imaanshaha Soomaaliya wafdigani ka socda IGAD ayaa ku soo aadaya, xilli dalka ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashooyinka billowday ee Golaha Shacabka dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda kala guurka ee ka dhalatay muranka doorashooyinka oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo dowladda dhexe.