Xeer Ilaalinta Jubbaland oo baabi’isay Caagado ay ku jireen Qamri

1009

Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan Siciid ayaa maanta baabi,iyay sagaal Jirgaan oo Qamri ah, kuwaas oo lagu sooqabtay sedex eedeeysane oo loo haysto in ay ka ganacsan jireen sameynta iyo iibinta Qamriga kuwaasoo ay dhawaan xabsiga dhigeen laamaha ammaanka Jubbaland.
Xeer ilaaliyaha ayaa uga digay Bulshadda reer Jubbaland Isticmaalka walxaha maanka dooriya kuwaa oo uu sheegay in ay Qatar ku yihiin Amniga iyo caafimaadka bulshada.
Sidookale xeer ilaaliyahaya ayaa bulshadda faray in ciidamadda Booliska ay gacan ka siiyaan sidii loo cirib tiri lahaa waxyaabaha maanka dooriya iyo shaqsiyaadka Magaaladda soo galiya kana Ganacsada maandooriyaha si Jubbaland ay u noqoto meel ka caagan waxkasta oo maanka dooriya.
’’Qamriga waa xaaraan Alle ayaana Xarrimay annagu wixii uu Alle Xarimay ma ogaalaanayno in Lasoo galiyo magaalada, laguna iibiyo,’’ sidaas waxaa yiri xeer ilaaliyaha Jubbaland Maxamed Sheikh Cusmaan.
Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa in muddo ah wada dadaallo ku aadan sidii loo soo qaban lahaa dadka magaalada soo geliya, kuwa sameeya iyo qaar ka ganacsada walxaha maanka dooriya, waxaana ay ciidamadu sheegeen in ay sii wadai doonaan howlgallada inta laga suulinayo Qamriga iyo xashiiska sida qarsoodiga ah loogu iibinayo magaalada.