Wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland ayaa Haween gaadhaya 50 haween ah u qabatay tababar socondoona muddo 2 maalin ah.
Tababrka ayaa waxaa goob jog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u hesheesiinta ee Jubbaland Cali Careys iyo bahda howl wadeenada wasaarada arimaha gudaha Jubbaland.
Muhiimada tababarkani ayaa ayaa in haweenka Jubbaland ay Ka qeyb qaataan xuquuqda siyaasadeed ee ay ku leeyihiin dhismaha Dowlada Hoose.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Jubbaland Cali Careys ayaa faah-faahin ka bixiyey muhiimada kulankani, isagoona sheegay in haweenka ay laf dhabar u yihiin bulshada,waxaa kale oo uu sheegay in wasaaradu ay Ka shaqeynayso sidii haweenka Jubbaland ee wax bartay ay uga qeyb qaadan lahaayeen habka wax loo maamulo iyo ka qayb galka maamulada kala duwan ee degmooyinka Jubbaland.