Guddiga doorashooyinka qaranka oo Rooble kala hadlay qabashada doorashada golaha shacabka

0
928

Xubno kamid ah Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha GHDHF. Maxamed Xasan Cirro ayaa kulan la qaatay  Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble .

Kulanka ayaa looga wada hadlay Dhamaystirka Doorashada Aqalka sare oo gabagabo ah iyo Dardar-gelinta Doorashada Gollaha shacabka oo dhawaan lafilayo inay bilaabato .

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa gudiga ku bogaadiyay shaqada ay qaranka uhaayaan , waxayna hoosta kawada xariiqeen in Jadwalka iyo Xareeynta ergada dagdag loo guda-galo  si  Doorashada golaha Shacabku ay u bilaamanto.