Doorashada Lix Senator ee gobollada waqooyi oo maanta kabilaa banaya muqdisho.

1190

Magaalada Muqdisho waxaa maanta si rasmi ah uga billaabaneysa doorashada xubnaha kuraasta Aqalka Sare ku matali doona gobollada Waqooyi ee Somalialand, waxaana la dooran doonaa lix ka mid ah kuraaskan oo ah 11 kursi, sida uu shaaciyay guddiga doorashada

Xarunta Afisyooni oo ay ka dhaceyso doorashadan ayaa ammaankeeda la adkeeyay, waxaana sugaya ciidammo iskugu jira booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xubnaha tartamaya ayaa shalay jeediyay khdubado ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda iyo hiigsigooda haddii loo doorto kamid noqoshada Aqalka Sare, waxaana madashada doroashada gobollada Waqooyi daahfuray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.