Wasaradda Arimmaha Gudaha Federaalka iyo Dib Uheshiisinta Jubbaland ayaa maanta waxay Tababar kusaabsan Maareynta Khilaafaadka iyo Nabad Dhisidda uqabatay odayaasha dhaqanka Jubbaland, tabarkaani ayaa waxa uusoco donaa sadex maalin waxaana daahfuray Wasiiru dowlaha Wasaradda Arimmaha gudaha Maxamed Muxumed Maxamed.
Inta uu socdo tababarka ayaa waxaa lagu falan qeyn doonaa siyaabahaba lagu xalin karo khilaafadka kadhex dhaca bulshadda iyo sida ay odayaashu kaalintooda ugu qaadan lahaayeen nabadda.
Adan Faarax Gaarane Agaasimaha Wasaradda Arimmaha Gudaha Jubbaland ayaa ugu horeyn sharaxaad kabixiyay tababarka isagoona sheegay in loobahanyahay in lasameeyo xeer wax lagu xaliyo wasaradda arimmaha gudahana ay diyaarinayso qorshaha dib uheshiisinta Jubbaland .
“anagoo og in aad kasoo qayb qaadateen xalinta khilaafadka Jubbaland in badana aad kusoo jirteen ayaa haddana waxaan diyaar unahay in aan kor uqaadno aqoontiina” sidaas waxaa yiri Adan Faarax Garaane.
Ugaas Cumar Xiirey Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland oo kulanka kahadlay ayaa tilmamay odayashaa dhaqanka doorka ay kuleyihiin maareynta khilaafadka iyo nabadda
“Nidaamka dowladd nimo iyo mid ka dhaqan waa in lais waa fajiyo si laiskugu kaashaddo khilaaf yadda bulshadda kadhex dhaca xalna loogu helo” sidaas waxaa yiri Ugaas Cumar Xiirey Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland.
Maxamed Muxumed Maxamed Wasiiru dowlaha Wasaradda Arimmaha Gudaha oo daahfuray tababarka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay yihiin isku xira bulshadda markastana ay xaliyaan waxyaabaha kadhex dhaca bulshadda.
“odayaasha dhaqanku waa isku xira bulshadda marnaba laga marmi karro nidaam marka lagu heshiiyo waxa dhaqan galiya waa odaayasha dhaqanka “ sidaas waxaa yiri Maxamed Muxumed Maxamed Wasiiru Dowlaha Wasaradda Arimmaha Gudaha Jubbaland.