Qaramada Midoobay Oo Bilowday In Ay Shaqaalaha Ka Bixiso Afghanistaan

0
1154

Qaramada Midoobay ayaa billowday inay Afghanistan ka bixiso ilaa 100 shaqaale caalami ah, si ay uga shaqeeyaan Kazakhstan, sida uu sheegay afahayeen u hadlay hay’adda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay inay sii joogto oo ay taageero gaarsiiso dadka reer Afgaanistaan xilliga ay u baahan yihiin.

‘‘Tani waa tallaabo ku -meelgaar ah oo loogu talagalay in Q/M ay awood ugu yeelato inay sii waddo gargaarka ay siiso dadka reer Afgaanistaan, iyadoo isla markaana hoos u dhigaysa halista shaqaalaha Qaramada Midoobay’’, ayuu yiri Durjarric.

Qaramada Midoobay, ayaa Afghanistan waxaa ka jooga ku dhawaad 300 oo shaqaale caalami ah iyo 3,000 oo shaqaale reer Afgaanistaan ah.