Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka dhacdo Magaalada Garoowe ee Caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.
Doorashada 11-ka kursi ee Puntland ku matelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya 22 Musharax oo u badan Golaha Wasiirada Maamulkaas, kuwaasi oo uu shalay soo gudbiyay Madaxweye Saciid Cabdullaahi Deni.
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa dooran doona Musharaxiinta, waxaana haatan Xarunta Golaha ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada, iyadoo howlka ay kusii qul-qulayaan Musharaxiinta.
Wafdi ka socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa lagu wadaa inay goobjoog ka noqdaan doorashada Aqalka Sare ee Maanta ka dhaceysa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, taasi oo ay ku tartamayaan 22 Musharax.
Maamulka Puntland ayaa noqonaya maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey u qabtay maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.