Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo manta Agab-ka Covied-19 ku wareejisay masuuliyiinta wasaaradda cafimaadka Jubbaland.

0
1368

Wasarada gar gaarka iyo mareynta musiibooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta waxay agab gaarsiiyay magalada dhoobley, Agabkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa marada Afka lagu xidho ee ka hortaga xanuunka covied-19 ,galoofis iyo kuwo kale.
Qalabka maanta lagarsiyay Dhoobley ayaa waxaa uu ka yimid magaalada Muqdisho,waxaana soo Dhiibtay wasaaradda gargaarka soomaliya ay ugu deeqday wasarada gargaarka mareynta iyo musiiboyinka Jubbaland.

agabka ayaa wasiirka waxaa uu ku wareejiyay wakiiilka wasarada cafimadka ee dhobley Nuur Biixi Cusmaan, iyadoo lasiin doono dadka deegaanka si looga hortaago ama ay iskaga ilaaliyaan halista cudurka covid -19.
Wasiirka wasarada gargaarka iyo mareynta masiibooyinka jubbaland Cabdi raxmaan Axmed Cabdi oo maanta gaaray Dhoobley ayaa Radio kismaayo ooga warbixiyay agabka maanta lagaarsiyay Dhoobley, isagoona sheegay in agab kan oo kale ah sidookale lagaarsiin doono gobolka gedo si looyareeyo halista cudurka coving 19.