
Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed ee ka hawlgalla dagmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka howlgal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Afcad oo hoos yimada degmadaas oo ay ku sugnayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa waxa hoggaaminaya taliyaha qeybta 27aad Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda & Al-Shabaab.
Taliyaha qeybta 27aad Janeraal Axmed Maxamed Calasow (Tareedisho) aya sheegay inay dagaalka ku dileen `15 dagaalame, sidoo kalena ay ku burburiyeen fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Gobolka Hiiraan laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar Ciidanka dowladda la beegsada qaraxyo iyo dagaal toos ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







