Dowlad goboleedka Puntland ee Soomalaiya, ayaa soo saarey wareegto ay ku farayaan dhammaan wasaaradaha, hey’adaha iyo guddoomiyeyaasha hirgelinta adeegsiga afka Soomaaliga.
Wareegtada ayaa lagu xusay inuu qorayo dastuurka Puntland qodobkiisa 8aad iyo Sharci Lr 4 ee soo baxey 15-ka December, 2020, oo ku saabsanaa ilaalinta Afka Soomaaliga.
Waxaa lagu furey dhammaan hey’adaha Puntland iney si buuxda uggu dhaqmaan adeegsiga Af Soomaaliga, iyadoo looa isticmaalayo qoraalada xafiisyada, boorarka shirarka iyo farriimaha loo gudbinayo bulshada.
Dowladda Puntland ayaa intaa ku dartey in ujeedada wareegtadan ay tahay in la dhiiri galiyo isticmaalka iyo baahinta Af Soomaaliga.
Wareegtada Puntland ayaa soo baxdey shaley oo ay taariikhdku ku beegneyd 21-ka June, 2021