Tagaasidda ku soo badanaya Kismaayo oo Shaqo la’aan Dhigay dhalinyarada ku xamaasha gaadhi gacanka

1251
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Dadka muruqmaalka ah ee ku xamaasha gaari gacanka ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa waxaa soo food saartay shaqo la’aan,ka dib markii gudaha magaalada Kismaayo uu ku soo bateen gaadiidka yar yar ee  takaasida oo qaadaya Shaqooyinkii ay hayeen dadka alaabta ku riixa gaadhi gacanka.

Dhalinyarada ku shaqaysa gaadhi gacanka ayaa alaabaha ugu qaadi jiray xaafadaha magaalada Kismaayo balse hadda waxaa badalay gaadiidka fudud oo si ka dhaqso badan u gaadhsiinaya alaabaha daafaha magaalada Kismaayo,iyadoo dhalinyaradii ku shaqayn jirtay gadhi gacan ay shaqola’aan noqdeen.

Dadka ku shaqeeya gaadhi gacan-ka ayaa waxaa ku tiirsanaa qoysas badan kuwaas oo hadda Shaqo la’aanta haysata ay saamayn ku yeelatay nolasha qyskooda.

Qaar ka mida dadkii hore uga shaqayn jiray gaadhi gacanka ayaa hadda u wareegay shaqooyin kale sida dajinta alaabaha laga soo raro dekedda magaalada Kismaayo halka kuwo kale-na ay garan la’yihiin wax ay qabtaan.

Sheikh Nuur Iligow waxaa uu ka mid yahay dadkii horay ugu shaqayn jiray gaadhi gacan balse hadda waa xamaali dajiyey alaabaha lagu soo raro baabuurta ee  laga soo qaado dekedda magaalada Kismaayo.

Sadex bilood kuma uusan shaqaynin gaadhi gacankiisa oo waxaa uu waayeyba alaab uu qaado,waxaana uu go’aansaday in uu noqdo xaamil baabuurta dajiya.

“wax aniga ka shaqaynaayey ayaan waayey,baabur yar yar ayaa imaatay suuqa,halkii aan alaabta ku gayn jiray 30,000 shilinka dalka ah,ayuu baabuurka  ku gaynayaa $26000 u dhigtana $ 1dollar,markaa waxaan go’aansaday in shaqadaas iska dhaafo”sidaas waxaa Radio Kismaayo u sheegay Nuur Iligow

Faadumo Cabdullahi Cismaan waa mid ka mid ah dadka ku dhex  kireeya gaari gacanada suuqa magaalada kismaayo, waxaa ay inoo sheegtay in isbadal weyn uu kajiro  kireynta gaari gacanada maalmihii dambe,waxaa ay xustay in maalintii kirayn jirtay 50 gaari gacan oo looga kiraysan jiray 10,000 shillinka dalka ah  balse bilihii la soo dhaafay uu hoos u dhacay shaqadii kiraynta gaadhi gacanka,waxaa ay timaantay in maalintii ay kirayso 15 xobo.

Cumar Cabdi Axmed (cumar suuley) waa mulkiilaha gaari gacano tiradooda gaarayso  200 oo xabo kuwaasi oo ugu tala galay in uu shaqo abuur ugu sameeyo dhalinyarada danyarta ah si ay nolol maalmeed kooda ugu la soo  baxaan, cumar ayaa inoo sheegey in uu dib u furfurey  gaadhi gacamadii inta badan maada uu waayey wax ka kiraysta.

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERA