Golaha wadatashiga qaran oo shir looga hadlayo doorashooyinka ku yeelanaya Muqdisho

867

 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay kulan ku yeeshay qadka Internet-ka gaar ahaan aalada ZOOM-ka…

Kulankaan oo ahaa midkii ugu horreeyay kadib saxiixii heshiiskii doorashada laga gaaray ayaa waxaa looga hadlay dardar-gelinta heshiiskii doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona inta uu socday kulanka Go’aan ku gaaray.

 

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxda isku raaceen in Shir isugu yimaadan Rooble, Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Muqdisho.

Shirkaas ayaa la qorsheeyay inuu Caasimadda dalka ka furmo maalinta sabtida soo socota, isla markaana maalmaha soo socda Madaxda dowlad Goboleedyada ay soo gaari doonaan Muqdisho, si ay uga qeyb galaanka Shirka furmaya.

Shirkan Madaxda ayaa looga hadli doonaa dardar gelinta doorashada dalka ka dhaceysa, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.