Wasiirka Waxbarashada Jubbaland oo daahfuray kulan looga hadlaayo sidii Sarre loogu qaadilahaa waxbarashada

1067

Wasaraada waxbarasha Jubbaland ayaa   manta khabatay kulan looga hadlaayey Sidii sarre loogu qaadi lahaaa tayada waxbarashada, waxaana Shirkaan  daahfuuray wasiirka cusub ee wasaaradda waxbaarshada Jubbaland.

Kulankaan ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii bahda waxbarashada Jubbaland ay wax ugu biirin lahaayeen hanaanka sarre u qaadida tayadda waxbarashada dalka oo dhan,kaas oo ay  hogaaminayso wasaaradda waxbaarshada hidaha iyo tacliinta saree ee xukuumadda federaalka.

Kulankaan oo soconaya mudo laba maalin ah ayaa waxaa diirada lagu saaraya Sidii aragtiyo wax ku oolaha loogu biirin lahaa .

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada Jubbaland Axmed Cusmaan Siyaax ayaa si kooban uga hadlay muhiimada kulanka iyo wax uu xambaarsan yahay.

Wasiirka Wasaaradda waxbarshada Jubbaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa isagana dhinkiisa ka hadlay kulanka,waxaana uu xusay in ay muhiim wayn leedahay in la xoojiyo tayada waxbarashada.

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb galaya khuburo dhinaca waxbarashada ah iyo waliba masuuliyiin ka socda wasaaradda waxbarshada heer federa