Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland,oo xariga ka jaray dhismaha xafiiska dakhliga ee Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose

95

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Cabdirisaaq Maxamed – Handal, ayaa xariga ka jaray dhismaha xafiiska dakhliga Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.
Xafiiskan cusub ayaa lagu maamuli doonaa dakhliga gudaha ee degmada, waxaana uu kaalin muhiim ah ka qaadan doonaa kor u qaadista maamulka iyo hufnaanta adeegyada bulshada ee degmad.
Dhismahan ayaa sidoo kale qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jubaland ee ku aaddan horumarinta iyo xoojinta hay’adaha maaliyadeed ee heer degmo.
Xafiiskan ayaa fududeeyo ururinta iyo maaraynta dakhliga gudaha, taasoo ka caawin doonta maamulka degmada inuu si hufan u fuliyo adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Dhismahan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Maaliyadda ee Jubaland ee ku aaddan horumarinta iyo xoojinta hay’adaha maaliyadeed ee heer walba, iyadoo la rajeynayo in uu saameyn togan ku yeesho adeegyada bulshada ee gobolka Jubbada Hoose.

situs gacor hari ini