Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga XFS oo ka hadlay howlgalo lagu dilay xubno katirsan Argagixisada

1179

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ayaa ka hadlay howlgalada ka dhan ah Argagixisada Al-shabaab ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wasiir oo la hadlay warbaahinta Dowlada  ayaa  sheegay in Ciidanka dowladda howlgalkii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen deegaano hoostega degmada Buulo-burtI ay ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga in dagaalo kale oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan Argagixsada looga qabsaday hub badan oo uu sheegay in  la soo bandhigay.

Wasiir Cabdifataax  aya dhanka kale ka warbixiyay in howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda ay  ka sameeyeen Shabeellaha Dhexe ay kula wareegeen degaano hor le ah isla markaana haatan ay ku sugan yihin  Ciidanka dowladda, howlagalada lagula dagalamay cadawgana ay sii socon donaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigg ayaa Isbitaal shalay ku booqday Askar ka tirsan Guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Xoogga dalka oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dagaalkii ka dhacay degmada Buula-burte ee Gobalka Hiiraan.