Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Tegay Furimaha Dagaalka Jubbada Hoose

995

Wasiirka Amniga dawlad Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa kormeer uu ugu kuur galayay xaaladda howlgalada Ciidamada ku tegay deegaannada Buula-guduud iyo Baar Saanguuni halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka.

Wasiir Yuusuf Xuseen Cismaan ayaa kulamo kala duwan oo ku aadan howlgalada socda la yeeshay Saraakiisha iyo ciidammada ku sugan furimaha hore ee dagaalka ee Buula-guduud iyo Baar-saanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose

Wasiirku wuxuu halkaa kulamo is xog waraysi ah kula yeeshay saraakiisha iyo ciidammada ku sugan jiidda hore una heellan difaaca dhiiga, hantida iyo sharafta shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu Wasiir Jeneraal Dhuumaal ciidammada uga mahad celiyay dhabar adayga iyo daacadnimada ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo isaga oo ballan qaaday in socdaalkiisan uusan ahayn mid mar kaliya ku kooban balse uu si joogto ah ula socon doono si shakhsi ahna mar walba uga war hayn doono xaaladaha ciidamada qaybohooda kala duwan.