Dowladda ayaa sheegtay in ay sii xoojineeyso qorshaheedii ahaa in la xiro xerooyinka Dhadhaab, xitaa haddii ay dadka qaxootiga ahi diidaan qorshaha ay sida iskooda ah dalalkooda ugu laabanayaan ee bilowday sanaddii 2014.
Tani waa isku daygii ugu danbeeyay ee lagu xierayo xerooyinka Dhadhaab, ayadoo Kenya ay uga shakisantahay in xerooyinkaasi ay ku dhuumaaleeystaan kooxo ka tirsan Maleeyshiyaadka Al-shabaab.
Mr. Kodeck Makori, xoghayaha madaxa arimaha qaxootiga ayaa warbaahinta u sheegay in qorshaha ay qaxootiga sida iskood ah dalkooda ugu laabanayaan uu soo socday tan iyo markii qeybtii ugu horeeysay oo dhan 5,200 la sameeyay bishii December 2014.
“Waxaan dalkooda dib ugu celinnay 84,000 oo qaxooti ah oo kasoo jeeda Soomaaliya iyo dalal kale, sidaa darteed waa howl socota,” ayuu yiri Mr. Kodeck Makori
“Dowladdu way xireeysaa Dhadhaab sidii uu oqrshuhu ahaa, iyo sida ay hadda tahayba, ma heeyno dad diiday in ay laabtaan, balse waxaan wadnaa howsha dadka aqbalay in ay si iskood ah u laabtaay,” ayuu hadalkiisii raaciyay