Baarlamanka Jubbaland oo codka Kalsoonida u qaadaya golaha wasiirrada cusub ee Jubbaland

894

Mudaneyaasha baalarmanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta yeelanaya kalafadhigii 3-aad, fadhigiisii 5-aad, ayadoo ajandaha kulanku yahay ansixinta xubnaha golaha wasiirrada dowlad goboleedka Jubbaland ee dhawaan uu soo magacaabay madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Xarunta baarlmanka ayaa waxaa hadda ka socota qabanqaabada fadhiga ay yeelanayaan mudaneyaasha.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa 20-kii bisha May magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka koobnaa 23 Wasiir, 22 Wasiir kuxigeen iyo Shan wasiirro dowleyaal.