Shirkad Cusub oo ka shaqaysa agabka ciyaaraha oo Kismaayo laga Daah-furay

1009

Shirkadda A2Z oo xarunteeda weyn ay ku taal magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga daahfurtay faraca shirkadda ee deegaannada Jubbaland gaar ahaan Kismaayo, ayadoo munaasbadda daahfurka ay ka qeybgaleen madaxda isboortiga Jubbaland, gudoomiyeyaasha kooxaha iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo ciyaraha jubbanlad

Xarig jarka xarunta cusub waxa Ka soo qayb galaay masuliyiin Ka tirsan jubbalan Agaasimaha guud ee wasaarada Arimaha  Gudahaa dowlad Gobolledka Jubbanlad mudane Aadan Faarax Gaarane, Gudoomiyasha kooxaha ka dhisan Jubbanland, Ganacsatada iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horayn waxaa madasha ka hadlay mudane Cabdi Nuur Cusman  Gudoomiye ku xigeen  shirkada A2Z, isaga oo u mahad celiiyay  masuuliyinti iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay  furitaanka  xaruntaan cusub.

Waxaana uu balan qaaday in dhalinyarada reer kismaayo  ay ka bixi doonaan  agab yaridii  ka jirtay  magaladda, hadaa wixi ka danbeyana ay ay xaruntaan cusub ka heli doonaan wax kasta oo ay ubahaanyihin oo dhinaca ciyaaraha ah.

 

Siicid kaariko oo ku hadlay Afka Gudoomiyaasha kooxaha ka dhisan magaladda kismaayo ayaa yiri “wan soo dhawaynaynaa  in xarun ugar ah Agabka ciyaaraha  laga furo magaladda kismaayo, waayo tani waxay dabooli doontaa caqabado nagahaystaay heliida Agab dhamastiran”

Agasimaha guud ee wasaarada dhalin yaradaa iyo  ciyaraha Jubbanlad Cabdirahman Xaaji Cabdi ayaa masuliyiinta xarunta cusub ka codsaday in dhalinyaradda ay ay qiimo jabaan ka siiyaan AGabka ay ibinayaan