Dhalinyaro Ardey ah kana soo laabatey xeryaha Dhadhaab ee ku Sugan Kismaayo oo codsi u Diray Dowlad Jubbaland

1375

Qaar ka mid ah Ardayda dib uga soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee wax ka barta Iskuullada ku yaalla magaalada Kismaayo ayaa wasaaradda waxbarashada Jubbaland ka codsaday in Waxbarashada Dugsiyada Sare looga dhigo bilaash si ay u sii wataan waxbarashadooda.

Ardaydaan ayaa sheegay in dalka Kenya ay ku haysteen waxbarasho bilaash ah iyadoo sidoo kale loo sheegay in dalkooda ay ka heli donaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Hadda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ku yaalla Iskuullo bilaasha ah oo loogu tala galay Ardeyda ka soo noqotey xeryaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha,waxaana xarumahaan waxbarasho gacanta ku haya Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Qaar ka mid ah ardeyda haatandhigata dugsiga dhexe oo la hadlay warbaahinta jubbaland  ayaa sheegay in ay u baahanyihiin in laga caawiyo sidii ay waxbarashadooda Dugsiga Sare u dhameystiri lahaayeen.

Waxbarashadu waa aas-aaska Nolasha aadanaha waana midd qof walba iyo dalwaba u aayi doono,sidaa daraadeed waxaa dowlad goboleedka Jubbaland iyo Hay’adaha samafalka laga codsanayaa in ay cabashada Ardeyda ay wax ka qabtaan garab istaagaanna ubaxa soo koraya.