Midowga Musharixiinta oo shir la leh madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland

1004

 

Magaalada Muqdisho gaar ahaan gudaha Xerada Xalane ayaa waxaa haatan uu kulan uga socdaa Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.

Kulanka Musharaxiinta iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland  Axmed Maxmed Islaam  iyo Saciid Deni ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Cakiran ee siyaasadeed dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.

Midowga Musharaxiinta iyo labada Madaxweyne Maamul Goboleed ayaa sigaar ah diirada u saaraya sida lagu xalin karo khilaafka hareeyay doorashada 2021 iyo qaabka ay dowladda Federaalka ku dooneyso inay ku maamusho doorashada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in dhinacyada ay ka arrinsan doonaan shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu ka dhaco Teendhada Afisyooni, kaasi oo ay goobjoog ka noqoneyso Beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore dalka Xasan Sheekh iyo  Sheekh Shariif Sh Axmed, RW hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/Shakuur Warsame iyo inta badan Midowga Musharaxiinta.

Mdaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa degay  Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, ee Magaalada Muqdisho, iyagoona qeyb galaya shirka Madaxda oo horey shuruudo adeg uga xireen ka qeyb galkiisa.