Wasaarada arimaha gudaha Dowlad Goboleedka jubbaland oo mashruucyo cusub ka bilowday Degaano ka tirsan jubbaland

1334

Wasarada arimaha gudaha jubbaland oo sanadwalkbo dajiso Qorshayaal lagu hormarinayo adeegyada bulshada ayaa waxa ay Sanadkaan bilaabeysaa mashqruucyo cusub  oo ay ka fulineyso degaano Ka mid ah jubbaland sida  buurdhuubo dhoobley  iyadoo lagu xoojinayo Adeegyada aasaasiga ah ee bulshada

Degmooyinka  ay  wasaaradu ay ka fulineyso mashqruucyada   waxa ay Dadka degaanadaa ka taligalisaa waxyaabaha ay u bahan yihiin in loo Qabto iyagoo markaa soo gudbinayaa adeegyada ugu muhiimsan ay Doonayaan in  loo qabto

Agaasimaha wasarada arimaha gudaha jubbaland oo wareysi siinayay Radio kismaayo ayaa shegay in  degmada buurdhuubo oo ay hadda ku Sugan yihiin isga iyo xubno ka socda wasaradaha howlaha guud iyo dhalinyarada waxaan kulamo laqaadanenaa  bulshada degmada buurdhuubo  waxaan weediinenaa waxa ay u baahan yihiin in loo qabto anagoo ka qoreeno  ka dib waxaan u gudbeynaa degaanka dhoobley oo iyagana mashruucaan sanadkaan ka faadeysaneysa ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Dowlad Goboleedka  jubbaland abdirahmaan abdi ahmed