Ciidanka Daraawish-ta Jubbaland ayaa howlgalo qorshaysan ka fuliyey inta u dhaxaysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Janaa Cabdalle ama birta dheer oo 60km ka xigta dhinaca galbeedka magaalada Kismaayo.
Ciidanka ayaa intii ay wadeen howlgalka waxaa ay dhexda ka saareen ilaa sadex miino oo ah nooca dhulka la galiyo,kuwaas oo Al-shabaab ay rabeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacab-ka ah.
Ciidanka oo Saaka aruurti gaadhay Bira dheer ayaan wax iska Caabin ah oo ay la kulmeen Jirin,waxaana hadda ay ku sugan yihiin deegaanka Janaa Cabdalle sida Radio Kisamayo u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ee howlgalka Hormuudka ka ah.
Deegaanka Janaa Cabdalle ayaa la shabaab waxaa ay u ahayd goob muhiim ah oo dhqaalaha kaga qaatan gadiidka sida shixnadaha ganacsiga ee u socda Afmadow,Dhoobley iyo dalka aan dariska nahay ee Kenya.
Waxii warar ah ee ka soo kordha waxaan idin ku soo gudbin doona wararkayga danbe.