Caruurtaan oo aan la haynin tirada saxda ah inta ay leegyihiin ayaa hadana waxaa ku tiirsan nolasha qoysaskooda oo ay u shaqeeyaan galin ka mida maalintaii halka galinka kale-na ay caruurta waxbartaan.
Ilmahaan oo inta badan dhigta Iskuulada lacag la’aanta ah ee ay maamusho wasaarada waxbaarshada Jubbaland ayaa duruufta dhinaca nolasha ee haysata qoysaskooda waxaa ay ku qasabtay in ay shaqeeyaan waxna ay bartaan taas oo ku adag ilmaha in ay isku wadaan shaqada iyo waxbaarshada.
Caruurta ayaa qabta shaqooyin kala duwan sida in ay baalashaan ka baha,halka qaar ay biyaha ku dhaamiyaan kareetooyin ama gaari Dameer taas oo saamayn ku yeelan karta cafimaadka caruurta maadama ay tahay shaqo ka tan badan ilmaha.
Cabdinuur Xaaji Ibraahim oo da’diisa tahay 12 jir waxaa uu ka mid yahay caruurta barakacayaasha ee galin-ka hore wax ka dhigta Iskuulka New Waamo ee magaalada Kismaayo,Cabdinuur ayaa galinka danbe qabta shaqada caseeyaha si uu dabaro nolasha qoyskooda.
“hooyaday mashaqayso,waxna mahaysano,ilmahana aniga ayaa u wayn, soo inaan shaqeeyo ma ahan markaas” sidaas waxaa Radio Kismaayo u sheegay Cabdinuur
Cabdiasiis Maxamed waa wiil yar oo 11 sanno jir ah waxaa uu ku shaqeeyaa kareeto uu biyo ku dhaamiyo galinka danbe maalin kasta.
Maalintii waxaa uu shaqeeya ilaa 3.5 oo lacag ah oo u dhiganta 91,000 shilin Somali ah,Taas oo uu ku maareeyo nolasha qoyskooda.
“aniga in aan shaqeeyo waxaa igu kalifay duruuf dhaqaale oo haysata qoyskayga,aniga ayaana u shaqeeya hooyaday iyo caruurta iga yarba”sidaa waxaa dhahay Cabdiasiis oo ka mida caruurta wax ka barta iskuulka new Waamo ee magaalada Kisamayo.
Maamulaha iskuulka new Waamo Maxamed Xassan Ducaale ayaa sheegay in iskuulka ay dhigtaan arday u badan caruurta ka soo jeeda xeryaha barakacayaasha kismaayo ayna haystaan caqabado dhowr ah maadama ay qoysaskooda u shaqeeyaan sida in ay ka soo dib dhacaan xiisadaha iskuulka oo ay ku habsaamaan shaqooyinka ay qabanayaan iyo in casharada loo dhigo u waayaan waqti ku filan oo ay ku akhriyaan.
“waxyaabo badan oo macalimiinta u diraan ardayda ayey qaban waayan,markaad waydiisana waxaa ay ku sheegayaan wax jira lakiin sidaas oo ay tahay waan ku dhiiri galinaa waxbaarshada in ay maalin uun anfici waxbaarshada ay waxbartaan”sidaas waxaa radio Kismaayo u sheegay Maxamed Xassan Ducaalle.
Magaalada Kisamayo ayaa waxaa ku taala ilaa 135 xero oo ay ku nool yihiin dad ku barakacay gudaha dalka,kuwaas oo ay barakiciyeen abaarihii kala danbeeyey ee dalka soomaray waxaana ay u badan yihiin qoysas dan-yar ah oo ay ku adag tahay nolasha.