
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland ayaa agabka wax-soo-saarka beeraha u qaybisay qaar ka mid ah iskaashatooyinka beeraha iyo xoolaha ee ka howlgala deegaanada Jubbaland.
Agabkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo beeraleyda iyo iskaashatooyinka, waxaana lagu fuliyey taageerada Mashruuca Food Systems Resilience Project (SFSRP).
Agabka la qaybiyey ayaa isugu jiray qalab loogu talagalay kaydinta badarka iyo dalagyada kale, iyo qalab kale oo muhiim u ah hawlaha wax-soo-saarka beeraha.
Ujeeddada taageeradan ayaa ah in la xoojiyo awoodda iskaashatooyinka iyo beeraleyda, iyo in kor loo qaado wax-soo-saarka beeraha, lana horumariyo hababka casriga ah ee kaydinta iyo maaraynta dalagyada.
Munaasabadda qaybinta agabka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland, ahna Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdirashiid Cabdi Beynax, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Jubbaland, Mudane Cabdullaahi Cali Faarax (Aayatullaah) iyo qaar ka mid ah howlwadeenadda
Mashruuca FSRP.
Taageeradan ayaa muhiim u ah horumarinta hababka casriga ah ee wax-soo-saarka, kaydinta iyo maaraynta dalagyada, iyadoo la doonayo in beeraleydu helaan fursado ay ku kordhiyaan wax-soo-saarkooda, u ilaashadaan tayada dalagyada, isla markaana si hufan u maareeyaan wax-soo-saarka beerahooda.
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Jubbaland waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu horumarinayo wax-soo-saarka beeraha iyo taageerada beeraleyda iyo iskaashatooyinka, iyadoo mudnaanta la siinayo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, xoojinta adkeysiga beeraleyda, horumarinta sugnaanta cuntada iyo kor u qaadista dhaqaalaha bulshada.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







