
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland Mudane Ismaaciil ahmed garas ayaa furay kulan lagu soo bandhigay nidaam (System) loogu talagalay dabagalka iyo maareynta kaydka dawooyinka, kaas oo ay soo bandhigtay hay’adda PSI.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Jubaland, Maxamed Xuseen Maxamed, qaar kamid ah agaasime-waaxeedyada iyo madaxda qaybaha Wasaaradda, iyo koox ka socotay hay’adda PSI.
Ujeeddada nidaamkan ayaa ah in si hufan loola socdo qaabka xarumaha caafimaadku uga qaataan dawooyinka bakhaarka guud ee Wasaaradda, iyo in la xoojiyo isku-xirnaanta bakhaarka dhexe iyo xarumaha caafimaadka.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







