Taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo kormeer shoqo ku tagay furimaha hore ee dagaalka

0
1
Sareeye Guuto Janaraal Ismaaciil Saxardiid kaydsane ayaa kormeer shoqo ku tagay furimaha hore, ee Jana cabdale Soyaa Biibi Harboole miido halkaas oo uu kormeer shaqo oo muhiim ah ugu tagay ciidamada ku jira jiidda hore.
‎Intii uu ku sugnaa furimaha, Janaraalku wuxuu la kulmay saraakiisha iyo ciidamada, isagoo xog ka dhegeystay xaaladda ciidamada iyo hawlaha shaqo ee ka socda goobahaasi.
‎Sidoo kale, wuxuu ciidamada ku boorriyey inay sii wadaan shaqada adag, isku-duubnida iyo ilaalinta waajibaadka loo igmaday.
‎Kormeerkan ayaa muujinaya sida hoggaanka ciidamadu ugu dhow yahay ciidamada ku jira furimaha hore, gaar ahaan kuwa haya shaqada adag ee goobaha muhiimka ah.
‎Janaraal Ismaaciil Saxardiid ayaa intii uu halkaasi joogay qiimeyn ku sameeyey xaaladda guud iyo baahiyaha ciidamada, isagoo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo wada-shaqeynta iyo diyaar-garowga ciidamada.
‎Ugu dambayn, kormeerka Janaraalka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hawlaha ciidamada iyo joogitaanka hoggaanka ee furimaha hore.