
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Jubaland ayaa degmada Doolow ku qabatay tababar ku saabsan Basic Emergency Care Management (BEC), oo ah Maareynta Daryeelka Degdegga ah ee Aasaasiga ah.
Tababarka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Jubaland, khubaro ka socotay WHO, iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Tababarka ayaa loo qabtay dhakhaatiirta ka howlgasha isbitaallada degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana ujeeddadiisu ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha dhakhaatiirta ee la xiriira bixinta daryeelka caafimaad ee xaaladaha degdegga ah.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






