Ciidamada Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo xoojiyay hawlgallada lagu sugayo amniga gobollada Jubbooyinka

0
109

Qeybaha kala duwan ee Ciidamada Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Kumaandooska Danab gaar ahaan Ururka 162-aad ayaa weli si dardar leh u wada howlgallo lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Howlgalladan oo qorsheysan isla markaana si taxaddar leh loo fulinayo ayaa lagu beegsanayaa fariisimaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada iyadoo ujeeddadu tahay adkeynta amniga, ciribtirka khatarta ay khawaarijtu  ku hayaan shacabka iyo xoreynta deegaannada ay weli gacanta ku hayaan.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgallada ayaa sheegay in ciidamada ay sii wadi doonaan cadaadiska la saarayo kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta, loona sugo ammaanka guud.

Ciidamada ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga kana feejignaadaan dhaq-dhaqaaq kasta oo amniga lid ku ah.