Wasiirka Amniga Jubbaland oo la kulmay wakiilo ka socda Qaramada midoobe

0
173
Wasiirka Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland Genaraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa xafiiska wasaaradda ku qaabilay Manuela De Cruz u qaabilsanaha Xuquuqul Insaanka ee Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. UNTMIS.
Kulanka Wasiirka Amniga iyo u qaabilsanaha Xuquuqul Insaanka ee UNTMIS waxaa ku wehlinaaye Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga iyado kulanka diirada lagu saaray la dagalanka Askarenta Caruurta.
Genaraal dhuumaal iyo Manuela De Cruz u qaabilsanaha Xuquuqul Insaanka Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya. UNTMIS ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta xuquuqda aadanaha, la dagaalanka Askareenka Caruurta tacaddiyada, iyo horumarinta nabadgelyada guud ee deegaannada Jubbaland.