
Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa ka qeybgalay kulanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka ah, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka iyo sidii si wadajir ah loogu wajihi lahaa arrimaha taagan.
Kulankan ayaa ahaa madal muhiim ah oo lagu is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan mustaqbalka dalka, xoojinta wada-shaqeynta, iyo doorka Bulshada Rayidka ah ay ku leeyihiin horumarinta dowlad-dhiska, nabadeynta, iyo adkeynta hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa ku boorriyay bulshada rayidka ah inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan kor u qaadidda wacyigelinta bulshada, ilaalinta midnimada, iyo dhiirrigelinta ka qeybgalka dadweynaha ee geeddi-socodka dimuqraadiyadda. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-tashiga joogtada ah si loo helo xalal waara oo lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







