
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Sadiiq Maxamuud Dhogor, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha ciidamada nabad-ilaalinta ee ka socda dalka Kenya ee ku sugan degmada Dhoobley, Lt. Col. Ochodo.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga xadka ay wadaagaan Jubaland iyo Kenya, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta la dagaallanka kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-shabaab, kuwaas oo halis ku haya nabadgelyada guud ee gobolka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay dardargelinta is-dhaafsiga xogaha amni, iyo qaababka lagu xaqiijin karo nabadgelyada shacabka ku nool deegaannada xuduudda.
Kulanka waxaa ka qayb galay Taliyaha cusub ee Saldhiga Booliska Degmada Dhoobley, Gaashaanle Dhexe Cabdiqaadir Xasan Cabdi, iyo Gaashaanle Cabdikaafi Qorane Maxamuud, kuwaas oo ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan ciidamada saaxiibada ah si loo sugo amniga degmada iyo nawaaxigeeda.
Mas’uuliyiinta kulanka isugu yimid ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay iskaashi joogto ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ka hirgasha gobolka Jubada Hoose.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







