Xildhibaan Xasan Yare oo booqday qaar kamid ah iskuulada waxbarashada Dhoobley

0
170
Xildhibaan Hon Hassan Abdi Xasan Yare ayaa booqday qaar kamid ah iskuulada waxbarashada ee Degmada Dhoobley, halkaas oo uu maalmahan u joogay hawlo shaqo.
Ardayda, macallimiinta iyo maamulada iskuulada uu booqday ayaa si diirran u soo dhaweeyay Xildhibaanka.
Isagoo ardayda ku dhiirrigeliyay inay ku dadaalaan waxbarashada, wuxuu xusay in ay tahay jidka keliya ee lagu gaaro horumar iyo nolol wanaagsan.
Sidoo kale, Xildhibaan Xasan Yare ayaa kulamo gaar ah la qaatay maamulada iskuulada, isagoo ka dhagaystay baahiyaha iyo caqabadaha horyaalla dugsiyada, si loo helo xalal waara oo kor loogu qaado tayada waxbarashada degmada.
Ugu dambeyntii, Xildhibaanku wuxuu kormeeray qaar kamid ah iskuulo cusub oo dhismayaashoodu marayaan heer gabagabo ah, sida Iskuulka Hoose, Dhexe iyo Sare ee Gabdhaha, Iskuulka Hoose Dhexe ee Danwadaag, iyo Iskuulka Hoose ee Midnimo. Iskuuladan cusub ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan kor u qaadista heerka waxbarasho ee degmada Dhoobley.