Dhageyso:Digniin Roobab Mahiigaan ah oo laga cabsi qabo inay ka da’aan qaar ka mid ah deegaanada xeebaha ee Dowladda Jubbaland

0
276

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Jubbaland ayaa soo saartay digniin ku saabsan roobab mahiigaan ah oo la filayo in ay ka da’aan qeybo ka mid ah deegaanada Jubbaland, gaar ahaan deegaannada xeebaha.

Roobabka ayaa laga cabsi qabaa in ay sababi karaan fatahaado keeni kara khasaare hantiyeed iyo mid naf ahaaneed. Bulshada ayaa si gaar ah loogu booriyey in ay ka fogaadaan meelaha ay biyuhu maraan iyo dhulalka u nugul fatahaadaha.

Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Deegaanka Jubbaland, Mudane Cabdiqani Axmed Jaamac, oo la hadlay Radio Kismaayo ayaa bulshada ku wargeliyey in roobabkan ay da’aan saacadaha iyo maalmaha soo socda, isagoo ugu baaqay dadweynaha iyo hay’adaha ku shaqada leh in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.
Halkaan ka dhagayso codka..