
Wasiirka amniga , wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, xildhibaano , taliyaha ciidanka daraawiishta ee gobolka Gedo, maamulka gobolka oo uu hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Gedo iyo maamulka degmada oo ugu horeeyo gudoomiyaha degmada iyo saraakiisha ciidanka daraawiishta ayaa feyl guud kula hadlay guutad ciidanka daraawiishta ee ku sugan degmada Baladxaawo.
Masuuliyantan ayaa ciidanka ku bigaadiyay sida wanaagsan ee ugu shaqeynayaan amniga degmada isla markaana uga dhawrsadeen in degmada xabad laga rido.
Taliyaha ciidanka daraawiishta gobolka gedo generaal cabaas ayaa tilmaamay in ciidankan uu yahay cududa amniga gobolka lagu halayn doono.
Wasiirka amniga ayaa tilmaamay in ciidankan dowlada Jubbaland ay qalabayn doonto ayadoona saanada ciidamada Jubbaland ay haystaan wada heli doonaan.
Ugu damabyntii ciidanka ayaa la galiyay data ama galka ciidanka daraawiishta ee Dowlada Jubbaland.