Ciidanka Jubbaland iyo Kumaandooska Danab oo Hawlgal Culays ka Fuliyay Deegaanka Baqooqaha.

43
Ciidamada kala duwan ee Dowladda Jubbaland oo garab ka helaya Kumaandooska Danab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Baqooqaha ee gobolka Jubbada Hoose.
Hawlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo halkaas cadowga lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.
Ciidamada geesiyaasha ah ayaa weli wada baacsiga xubnaha ka haray kooxdaasi, waxaana la filayaa in faahfaahinta rasmiga ah ee natiijada hawlgalka laga soo saaro goor dhow.