
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu diray hambalyo ku aaddan munaasabadda qaran ee 26-ka Juun, oo ku beegan 65 sano guuradii kasoo wareegtay maalintii ay gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1960-kii.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey halgankii geesinimada lahaa ee lagu gaadhay xornimada, isagoo xusay in maalintani tahay maalin taariikhi ah oo astaan u ah midnimada, qaranimada, iyo himilada Soomaaliyeed ee ku saleysan dowladnimo iyo is-xukun dhab ah.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, nabadda, iyo horumarka dalka, si loo xaqiijiyo himiladii ay u halgameen aasaasayaashii dalka.
