
Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), oo qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Dowladda Jubbaland ee ku sugan magaalada Garoowe, ayaa booqasho ku tagay xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Garoowe.
Gudoomiyaha Waxaa si diirran u soo dhaweeyay Duqa magaalada Garoowe, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo ku qaabilay xafiiskiisa.
Kulankaasi waxaa sidoo kale ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garoowe, oo uu ka mid yahay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada, Xoghayaha Dowladda Hoose iyo Agaasimayaal waaxeedyo ah.
Labada Gudoomiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada magaalo iyo is-weydaarsiga khibradaha la xiriira maamulka iyo adeegyada bulshada.
Ugu danbeeyn Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa kormeeray qeyb kala duwan ee xafisyada Dowladda hoose ee Garoowe .