
Galbeedka magaalada Kismaayo ayaa markii ugu horreysay laga furay Beerta Xayawaannada iyo Dalxiiska, taas oo ah tii ugu horreysay ee noocan ah ee laga hirgeliyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose.
Beertan casriga ah waxaa lagu xanaaneeyaa xayawaanno kala duwan oo isugu jira kuwo dab-joog ah iyo duur-joog, kuwaas oo ay ka mid yihiin bakaylaha, godiirka, sagaarada, dagiiranka, danyeerka, iyo qeybo kala duwan oo shinbiraha ka mid ah.
Talaabadani cusub waxaa ay qeyb ka tahay dadaallada ballaaran ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, dalxiiska, iyo wacyigelinta deegaanka ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale, beertan waxay fursad muhiim ah u tahay dalxiisayaasha gudaha iyo dibadda waxayna kor u qaadaysaa fahamka bulshada ee ku aaddan daryeelka xayawaanka iyo ilaalinta deegaanka.















