Madaxweynaha Jubbaland oo La Kulmay Danjirayaasha UK iyo Faransiiska .

0
379
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire Charles King, iyo Danjiraha Dowladda Faransiiska ee Soomaaliya, Danjire Arnaud Suquet.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, iyadoo si gaar ah looga hadlay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo hirgeliyo gogol wadatashi qaran. Wadatashigaas ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha mudnaanta u leh dalka, sida dib-u-eegista Dastuurka, hannaanka Doorashooyinka, iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay sida Jubaland uga go’an tahay in ay door muuqda ka qaadato dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada Soomaaliya.