
Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Hagista Mashruuca Adkeysiga Cuntada (FSRP), kaas oo ay si wadajir ah u fuliyaan Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Qorsheynta, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubbaland.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarka uu mashruucan gaaray, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka. Waxaa ka soo qayb galay wasiirrada wasaaradaha ku lugta leh mashruuca, mas’uuliyiinta fulinta barnaamijka, iyo howl-wadeennada hay’adaha kala duwan ee mashruucan ka shaqeeya.
Mashruuca Adkeysiga Cuntada ee FSRP wuxuu kaalin muuqata ka qaadanaya xoojinta amniga cuntada, horumarinta nolosha dadka reer miyiga ah, iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada. Waxaa sidoo kale lagu taageeraa wax-soo-saarka beeraha iyo xanaanada xoolaha, iyada oo la adeegsanaayo qorshayaal casri ah iyo xalal waara.
Agaasimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland, Cabdullahi Cali Faarax, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid ay bulshada si toos ah uga faa’iideysan karto, gaar ahaan beeraleyda iyo dadka ku nool deegaanada ay saameeyeen isbeddelada cimilada.
Dhankiisa, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jubbaland, Ugaas Cali Aadan Sokor, iyo Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Jubbaland, Muqtaar Macallin Daa’uud, ayaa si wadajir ah uga hadlay muhiimadda mashruucan iyo heerarkii uu soo maray.
Waxay tilmaameen baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha socda si loo xaqiijiyo guulo la taaban karo.
Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland, Mudane Ceydid Suleymaan Xaanshi, ayaa soo xiray shirka. Wuxuu sheegay in mashruucan uu yahay mid sal u ah horumarinta deegaanka iyo adkeynta la-qabsiga isbeddelka cimilada. Wuxuuna ku booriyay dhammaan howl-wadeennada iyo hay’adaha ku lugta leh inay xoojiyaan dadaalkooda si bulshada Jubbaland ay u hesho faa’iidooyinka mashruuca.