
Iyadoo la xusayo Maalinta Shaqaalaha Adduunka, oo ku beegan 1-da May, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dowladda Jubbaland ayaa ku dhawaaqday fasax rasmi ah oo loo siiyay dhammaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in maalintan muhiimka ah ay tahay fursad lagu maamuuso dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka.
Waxaa sidoo kale la faray hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay tixgeliyaan xuquuqda shaqaalaha, si loo dhiso jawi shaqo oo cadaalad iyo dhiirrigelin leh.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu hambalyeysay dhammaan shaqaalaha Jubbaland iyo guud ahaan dalka, iyadoo ugu baaqday in laga shaqeeyo midnimo, horumar iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.